Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aaddan khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo sheegtay inaysan dhinacna la safan doonin, isla markaana ay ilaalinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi siiyay telefishinka Sky News, ayaa sheegay in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la leedahay Itoobiya iyo Eritrea, balse aysan qayb ka ahayn khilaafka u dhexeeya labada dal, isla markaana ay ka fogaanayso faragelin kasta oo la xiriirta arrimaha dhexdooda ah.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay mudnaanta siinayso nabad ku wada noolaanshaha, isfahamka iyo iskaashiga dalalka deriska ah, isagoona sidoo kale xusay in dowladda ay xoogga saarayso sugidda xasilloonida gudaha dalka iyo horumarinta xiriirrada iskaashi ee ay la leedahay dowladaha kale.
Mowqifka Soomaaliya ayaa ku salaysan mabda’a ah in dalka uu xiriir nabadeed oo ku dhisan is-ixtiraam iyo iskaashi la yeesho dowladaha kale, gaar ahaan kuwa deriska ah, isla markaana uu ka fogaado inuu qayb ka noqdo colaadaha iyo murannada dhexdooda ka jira.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo beegmaya xilli dalalka Geeska Afrika ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya dalal deris ah, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.