Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil

Xildhibaan Sadiiq C/laahi Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya

Xildhibaan Sadiiq C/laahi Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu maanta ka badbaaday isku day dil, xilli uu marayay agagaarka loo yaqaan Korontada ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in isaga iyo dadkii la socday ay ka badbaadeen isku day uu ku tilmaamay mid lagu doonayay in lagu waxyeelleeyo, inkasta oo uusan magacaabin cidda uu tuhunsan yahay inay ka dambaysay falka.

“Alhamdulillah, waxaan ka badbaadnay isku day naloo maleegay! Aagga Korontada!” ayuu yiri Xildhibaan Sadiiq C/laahi Cabdi.

Xildhibaanka ayaa ka mid ah mudanayaasha mucaaradka ku ah siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, hase yeeshee, faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin qaabka uu isku daygu u dhacay iyo sida isaga iyo dadkii la socday ay uga badbaadeen.

Ilaa iyo haatan, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga oo xaqiijinaya dhacdada ama cidda ka dambaysay, sidaas darteed xogta laga hayo arrintaan waxay ku kooban tahay oo kaliya qoraalka uu xildhibaanku ku baahiyey baraha bulshada.