Dowladda federaalka oo sannadkaan dhammaadkiis casriyeyn doonta baasaboorka Soomaaliga

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow)

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horraanta bisha Diseembar ee sannadkan ay bilaabi doonto casriyeynnta nidaamka aqoonsiga iyo baasaboorka Soomaaliga, kaas oo markii ugu horreysay lagu soo dari doono magaca iyo astaamaha dalalka ku bahoobay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah ee dukumeentiyada safarka.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow), ayaa sheegay in baasaboorrada cusub ee Soomaaliga loo qaabeeyay si waafaqsan nidaamyada casriga ah iyo heerarka caalamiga ah ee baasaboorrada, isagoona sheegay in Soomaaliya ay dhammaystirtay qayb badan oo ka mid ah habraacyada looga baahan yahay, inkasta oo ay jiraan tallaabooyin kale oo weli harsan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in isu socodka Soomaaliya iyo dalalka Bariga Afrika uu hadda wanaagsan yahay, isla markaana la filayo inuu sii horumaro marka la dhaqan geliyo habraacyada iyo nidaamka cusub ee baasaboorka.

Baasaboorka cusub ayaa yeelan doona saddex nooc oo midabyo kala duwan leh, kuwaas oo kala ah;

  • Buluug-biyood oo loogu talagalay dadka caadiga ah.
  • Cagaar oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda.
  • Iyo casaan ama guduud oo loogu talagalay diblomaasiyiinta.
Midabadda kala duwan ee Baasaboorka cusub ee Soomaaliya

Soomaaliya ayaa bishii Diseembar ee sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay dalalka ku bahoobay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo noqotay dalkii siddeedaad ee xubinnimada ururka helay.

Ku biiristaas ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursado dheeraad ah oo la xiriira isu socodka dadka, ganacsiga, shaqada iyo waxbarashada dalalka gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, soo saarista baasaboorkaan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay bilawday dadaallo lagu casriyeynayo adeegyada socdaalka iyo dukumeentiyada aqoonsiga, iyadoo arrinkaan ay Soomaaliya u abuureyso fursado cusub oo la xiriira socdaalka, ganacsiga iyo iskaashiga u dhaxeeya dalalka ku bahoobay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).