Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo Moscow kula kulmay wasiir-ku-xigeenka gaashaandhigga Ruushka

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo Moscow kula kulmay wasiir-ku-xigeenka gaashaandhigga Ruushka

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay wasiir-ku-xigeenka gaashaandhigga Ruushka, Vasiliy Osmakov, xilli uu ka qaybgalayay shir-madaxeedka saddexaad ee Ruushka iyo Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha amni ee gobolka iyo guud ahaan caalamka, iyadoo labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen arrimo kale oo la xiriira iskaashiga iyo xiriirka labada wasaaradood.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, waxaa kulanka ku weheliyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Maxamed Abuukar Zubeyr, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Sarreeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qayb ka ah kulamada heerka sare ah ee dhexmaraya Soomaaliya iyo Ruushka, iyadoo ka qaybgalka shir-madaxeedka uu labada dal siinayo fursad ay ku xoojiyaan wada-hadallada ku saabsan amniga, xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dhinac.