Farmaajo oo dalbaday in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo weerarkii deegaanka Jameeco

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku baaqay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo weerarkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Baay, si loo ogaado sababaha keenay khasaaraha soo gaaray ciidamadaas.

Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku muujiyay murugada uu ka qabo askartii ku dhimatay weerarka, islamarkaana tacsi u diray qoysaskooda iyo guud ahaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoona carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in badbaadada ciidamada laga hormariyo danaha siyaasadeed, lana qiimeeyo habka loo qorsheeyo hawlgallada amniga.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa ku dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud habka ay u maareyso khilaafaadka siyaasadeed iyo hawlgallada milatari, isagoona dowladda ku eedeeyay inay awood ciidan u adeegsanayso khilaafaadka jira, isla markaana ciidamada gelinayso hawlgallo uu ku tilmaamay kuwo aan si wanaagsan loo qorshayn.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay daryeel caafimaad oo ku filan siiso askarta ku dhaawacantay weerarka, gaar ahaan kuwa xaaladdoodu culus tahay, isla markaana si degdeg ah loogu gudbiyo xarumaha caafimaad ee awoodda u leh daaweyntooda.

Si kastaba ha ahaatee, baaqaan kasoo baxay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa imaanaya iyadoo ay weli jiraan walaacyo la xiriira khasaaraha ciidamada kasoo gaaraya dagaalada ka socda gobolka Baay, iyo baahida loo qabo in la caddeeyo duruufaha ay ku dhacaan hawlgalladaasi milatari.

Farmaajo oo dalbaday in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo weerarkii deegaanka Jameeco