Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa siyaasiyiinta mucaaradka iyo ururrada bulshada rayidka ah ku casuumay gogol wadatashi qaran oo ka dhici doonta Muqdisho inta u dhaxeeysa 14-ka iyo 18-ka Nofeembar 2026, si looga wada hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka hannaanka doorashooyinka federaalka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, casuumaadda ayaa waxaa loo diray Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka ah.
Gogoshan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, iyadoo diiradda la saarayo hannaanka doorashooyinka federaalka, hirgelinta dastuurka iyo sidii loo gaari lahaa heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Casuumaaddan ayaa daba socota khudbad uu madaxweyne Xasan Sheekh xalay u jeediyay shacabka, taas oo uu kaga hadlay xaaladda dalka, horumarka dhinaca amniga iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-hadallada siyaasadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay wada-hadal iyo isu-tanaasul islamarkaana dhageysato aragtiyaha kala duwan ee laga qabo arrimaha ka taagan dalka.
Gogoshan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaddib markii wada-hadallo hore oo dhinacyadu yeesheen ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.
Ilaa hadda, dhinacyada la casuumay si rasmi ah ugama aysan jawaabin casuumaadda, mana cadda inay ka qayb galayaan gogosha wadatashiga qaran iyo in kale, iyadoo sidoo kale aan weli la ogeyn mowqifka maamullada Puntland iyo Jubbaland ee ku aaddan gogoshan.
Si kastaba ha ahaatee, ka qaybgalka dhinacyada kala duwan ee gogoshan ayaa muhiim u ah gaarista heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo gacan ka geysan kara xallinta khilaafaadka la xiriira doorashooyinka iyo hirgelinta dastuurka dalka.
