Guddoomiyihii maxkamadda sare oo sheegay in magaalada Muqdisho uusan amni ku haysan

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maxkamadda sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay inuusan amni ku haysan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Baashe Yuusuf ayaa arrintaas la xiriiriyay mowqifkiisa ku aaddan muddo-xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay inuu dhammaaday, isagoona tilmaamay in magaalada Muqdisho ay si nabad ah ugu noolaan karaan oo keliya dadka hubka haysta.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu aqbalo go’aanka maxkamadda sare ee 5-tii Nofeembar, kaas oo uu sheegay in lagu caddeeyay dhammaadka muddo-xileedkiisa.

Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in Baashe Yuusuf Axmed uu magangelyo ka raadsaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, islamarkaana uu haatan ku sugan yahay gurigiisa, balse xogtaas si madax-bannaan looma xaqiijin.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka u dhaxeeya guddoomiyihii maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli salka ku haya sharciyadda xil-ka-qaadista iyo cidda xaqa u leh hoggaaminta maxkamadda sare ee dalka.