Ugaaska beesha Xawaadle oo baaq degdeg ah u diray ciidanka beeshiisa ee ka tirsan dowladda Soomaaliya

Ugaaska guud ee beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

Ugaaska guud ee beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ayaa farriin degdeg ah u diray askarta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda beeshiisa, isaga oo ugu baaqay inay kasoo baxaan fariisimaha ay ku kala sugan yihiin dalka, kuna soo ururaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa farriintiisa oo uu jeediyey saqdii dhexe ee xalay ku sheegay in ujeeddada baaqiisu tahay in la mideeyo dadaallada uu ku tilmaamay kuwo lagu ilaalinayo sharafta, karaamada iyo jiritaanka beesha Xawaadle.

Sidoo kale, Ugaaska ayaa sheegay in siyaasiyiin ka tirsan dowladda oo adeegsanaya magaca dowladda federaalka Soomaaliya ay duullaan ku yihiin gobolka Hiiraan, balse tilmaamay inay ka difaaci doonaan cid kasta oo weerar kusoo qaaday gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, baaqa Ugaaska ayaa kusoo beegmaya iyadoo gobolka Hiiraan ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle iyo waxgaradka beesha Xawaadle, taas oo dhalisay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto xiriirka bulshada deegaanka iyo hay’adaha dowladda ee ka howlgala gobolka.