Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee maamulka Galmudug, taas oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee ku yimid codka shacabka, isaga oo bogaadiyey doorashooyinkii Galmudug uga qabsoomay, si nabad iyo hannaan ilbaxnimo leh.
Wuxuu sheegay in doorashooyinkaas oo laba jeer oo xiriir ah qabsoomay ay muujinayaan horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada lagu sugayo amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, xoojinta dowladnimada iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda.
Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay dhageysiga iyo tixgelinta aragtiyada siyaasadeed ee kala duwan, balse uu adkeeyey in aan laga tanaasuli doonin mabda’a ah in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo xaqooda dastuuriga ah ee ay hoggaankooda ku dooranayaan.







