Guddoomiyihii maxkamadda sare ee Soomaaliya oo diiday xil ka qaadistii lagu sameeyay

Guddoomiyihii maxkamadda sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed

Guddoomiyihii maxkamadda sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa diiday xil ka qaadista lagu sameeyay, isagoo ku tilmaamay mid aan sharciyad lahayn, isla markaana sheegay inuu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee maxkamadda.

War-saxaafadeed kasoo baxay maxkamadda sare ayaa lagu sheegay in hay’addu tahay tan ugu sarreysa garsoorka dalka, isla markaana ay mas’uul ka tahay ilaalinta sharciga iyo ku dhaqankiisa.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in ku dhawaaqista xil ka qaadista ee lagu baahiyay bogga Facebook ee madaxtooyada aysan waafaqsanayn habraaca dastuuriga ah.

Ugu dambeyn, waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in magacaabista iyo xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare ay leeyihiin hannaan sharci oo gaar ah islamarkaana aan la raacin habraacyada dastuuriga ah ee lagu qaadi karo xilka guddoomiyaha hay’adda garsoorka.

Guddoomiyihii maxkamadda sare ee Soomaaliya oo diiday xil ka qaadistii lagu sameeyay
Guddoomiyihii maxkamadda sare ee Soomaaliya oo diiday xil ka qaadistii lagu sameeyay