Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay inay bilaabay diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha C/kariim Axmed Xasan

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha Soomaaliya ayaa maanta oo ku beegan 1-da November si rasmi ah u bilaabay diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed ee doonaya inay ka qeybqaataan doorashooyinka heer federaal ee la qorsheeyay sanadka 2027-ka.

Diiwaangelinta oo socon doonta muddo 22 maalmood ah islamarkaana ku eg 22-ka November, ayuu Guddigu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda iyo dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka inay ka faa’iideystaan muddada loo qabtay, si ay u dhammaystiraan shuruudaha ka qeybgalka hannaanka doorashada.

Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la qorsheeyay inay dhacdo 15-ka April 2027, halka doorashada madaxweynaha Soomaaliya loo asteeyay 15-ka May ee isla sanadkaas.

Sidoo kale, xisbiyada siyaasadda ayaa lagu wargeliyey in liisaska musharraxiinta labada aqal la soo gudbiyo ugu dambeyn 22-ka November 2026, halka ololaha doorashadu uu bilaaban doono 27-ka February 2027.

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa lagu wadaa in lagu qabto nidaamka qof iyo cod, kaas oo dowladda ay sheegtay inuu muwaadiniinta siinayo fursad ay si toos ah ugu doortaan wakiilladooda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in ka hor inta aan la guda gelin hirgelinta doorashooyinka loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo lagu xalliyo khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka.

Si kastaba ha ahaatee, diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed ayaa ah tallaabo muhiim u ah u diyaar-garowga doorashooyinka federaalka ee 2027-ka, hase yeeshee khilaafka weli ka taagan qaabka doorashada ayaa mugdi gelinaya sida ay dhinacyada siyaasadeed ugu wada heshiin doonaan jadwalka la shaaciyey.