Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo maanta shir aan caadi ahayn ku qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo maanta shir aan caadi ahayn ku qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay shir aan caadi ahayn oo ay ka qaybgaleen wasiirro iyo saraakiil ciidan, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga, mideynta ciidamada maamulka iyo dardargelinta howlaha lagu sugayo nabadgelyada deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka oo uu guddoominayay Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah looga hadlay howlgalada ciidamada, qiimeynta xaaladda amni iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo deegaannada ay maamusho Koonfur Galbeed iyo sidoo kale, baahida loo qabo in ciidamada maamulka ay yeeshaan wada-shaqeyn dhaw, si loo xoojiyo howlaha amniga.

Mas’uuliyiinta ka qaybgalay shirka waxaa ka mid ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed Eleey, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaar, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada, Cabdiraxiin Maxamed Xasan Laamey, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada iyo hay’adaha amniga maamulka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa saraakiisha kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha sugidda amniga, lana kordhiyo wada-shaqeynta ciidamada iyo hay’adaha amniga, si loo helo isku-duwid mideysan oo wax ku ool ah.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in ilaalinta shacabka iyo hantidooda ay tahay waajibaadka ugu muhiimsan ee maamulka, isaga oo ku boorriyay ciidamada inay mudnaanta siiyaan badbaadada dadka rayidka ah.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo u dhaxeeysa ciidamada maamulka iyo kuwa taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).