Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu qayb ka yahay waxa uu ku tilmaamay shirqool caalami ah oo dalka lagu burburinayo.
Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, kuna magacaabay “Nacas, Nacfi Leh”, ku sheegay in tallaabooyinka madaxweynaha ay salka ku hayaan qorshayaal ay diyaariyaan dalal shisheeye, isaga oo tilmaamay in Xasan Sheekh uu fulinayo awaamiirtaas, si uu xukunka usii joogo.
“Shirqool dalka lagu burburinayo ayuu qayb ka yahay Xasan Sheekh. Ficillada iyo farsamada uu ku dhaqaaqayo dal shisheeye ayaa usoo dhiiba, isna wuu fuliyaa oo kaliya, iyadoo looga dhigayo inuu xukunka kusii joogayo qaabkaas” Ayuu Fahad Yaasiin qoraalkiisa ku yiri.
Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh lagu qanciyay in Soomaaliya ay khasab tahay inuu isagu hoggaamiyo, balse haddii uusan isagu xilka sii hayn aysan dowladnimadu sii jiri karin, taas oo ku tilmaamay qorshe khatar ku ah jiritaanka qaranka iyo midnimada dalka.
“Waxaa kaloo laga dhaadhicyay Soomaaliya waa inaad madax kasii ahaato ama aysan kaa dambeynin iyadoo dowlad ah” Ayuu qoraalkiisa raaciyay Fahad Yaasiin
Ugu dambeyn, waxa uu Fahad Yaasiin sheegay in shirqoolka uu gadaal ka hagayo hal maskax, isla markaana uu jiro hal taliye oo labada dhinacba amar ka bixiya, hase yeeshee, qoraalkiisa kuma uusan magacaabin cidda uu ula jeedo ama dalka uu ku eedeynayo inuu qorshahaas hoggaaminayo.
“Shirqoolka wuxuu leeyahay hal maskax oo gadaal ka wada hagaysa iyo hal taliye oo labada aag kala amraya” Ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Fahad Yaasiin.
Si kastaba ha ahaatee, eedeymaha Fahad Yaasiin uu u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah eedeyn uu isagu soo bandhigay, mana uusan soo bandhigin caddeymo madax-bannaan oo arrinkaasi xaqiijinaya, iyadoona dowladda federaalka aysan wax jawaab ah ka bixin eedeymahaas loo jeediyay madaxweynaha.