Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, halkaas oo si diirran ugu soo dhoweeyeen madaxda sare ee maamulka Hirshabeelle iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaalada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu gaaray Jowhar xarigga ka jaray terminal cusub oo lagu kordhiyay garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo laguna horumarinayo adeegyada garoonka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qayb geli doona munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha maamulka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiinta kale ee dhawaan la doortay.
Si kastaba ha ahaatee, safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Jowhar ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada ay martigelinayso munaasabadda caleema-saarka, oo ay ka qaybgalayaan madaxda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle.







