RW Xamze Cabdi Barre oo sheegay in Soomaaliya ay weli ka fog tahay dowladnimo mideysan

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre, ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho kaga hadlay xaaladda dowladnimada dalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in si dhab ah loo wajaho xaqiiqada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamze ayaa tilmaamay in Soomaaliya aysan weli gaarin dowladnimo mideysan, maadaama ay weli jiraan qabaa’il leh xuduudo u gaar ah, isaga oo dhaliilay hoggaamiyeyaashii dalka soo maray, kuwaas oo uu ku eedeeyay in qaarkood aysan lahayn aragti siyaasadeed, balse ay ku mashquulsanaayeen raadinta kursiga.

Ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo aragtida uu ku tilmaamay “khiyaaliga midnimada”, isla markaana si dhab ah loo aqoonsado caqabadaha hortaagan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dalka lagu hoggaaminayo jiho aan si cad loo garanayn, taas oo walaac ka dhalisay halka ay xaaladdu ku dambayn karto, isaga oo xusay in marxaladda hadda lagu jiro ay u baahan tahay bisayl siyaasadeed iyo in si dhab ah looga fiirsado jihada loo socdo.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo salka ku haya arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka dalka.