Sanbaloolshe oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh

Agaasimihii hore ee NISA C/laahi Sanbaloolshe oo si adag uga jawaabay hadaladii wasiirka gaashaandhiga

Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA), C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in caasimadda Hirshabeelle la siiyo reer Hiiraan, isaga oo ku dooday in madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uusan lahayn awood sharciyeed oo uu ku go’aamiyo ama shuruudo ku xiro arrintaas.

Sanbaloolshe ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook kaga hadlay khudbaddii madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay ka jeediyay magaalada Jowhar, isagoo sheegay in caasimadda Hirshabeelle aysan ahayn hadiyad uu madaxweynuhu bixin karo, isla markaana aan lagu go’aamin karin ballanqaad siyaasadeed oo ka yimaada hoggaan muddo-xileedkiisu dhammaaday.

Waxa uu sheegay in go’aanka ku saabsan caasimadda iyo mustaqbalka hoggaanka Hirshabeelle ay tahay inay ka heshiiyaan bulshada maamulka, oo ka kala soo jeeda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isaga oo xusay in arrimaha dowlad-goboleedyada ay tahay inay bulshada deegaannadu si madax-bannaan uga tashadaan, iyada oo aan faragelin uga iman dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Sanbaloolshe ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu qayb ka ahaa abuurista khilaafka siyaasadeed ee Hirshabeelle, balse uusan xal u noqon karin, isagoona sidoo kale sheegay in madaxweynuhu iska indhatirayo tabashada reer Hiiraan, gaar ahaan tan uu hormuudka u yahay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Sidoo kale, Sanbaloolshe ayaa qoraalkiisa ku dhaliilay laba arrimood oo uu sheegay inay ku jireen hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo uu u arkay inay caqabad ku yihiin dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka jira Hirshabeelle.

Qodobka koowaad, Sanbaloolshe ayaa dhaliilay sida uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh u tilmaamay bulshada gobolka Hiiraan, isaga oo hadalkaas u fahmay mid muujinaya in dadka deegaanka aan lagu kalsoonaan karin, loona baahan yahay cid kale oo dammaanad qaadda.

Qodobka labaad ayuu ku tilmaamay isku dhex-yaaca awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay sii adkeyneyso dadaallada lagu doonayo in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafaadka Hirshabeelle, isla markaana lagu xaqiijiyo midnimada maamulka.

Ugu dambeyn, Sanbaloolshe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay si madax-bannaan uga tashadaan mustaqbalkooda siyaasadeed, hoggaankooda iyo caasimadda maamulka, isagoona tilmaamay in aayaha Hirshabeelle lagu saleeyo rabitaanka shacabka, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo hannaan ay bulshada qayb ku leedahay.