Guddoomiyihii maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye oo xilka iska casilay

Guddoomiyihii maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Weheliye

Guddoomiyihii maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Weheliye, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, isaga oo sabab uga dhigay kala aragti duwanaansho kala dhaxeeya madaxda sare ee maamulka oo ku saabsan habka loo wajahayo tabashooyinka bulshada reer Hiiraan.

Muuse Salaad Weheliye ayaa go’aankiisa ku shaaciyay warsaxaafadeed uu soo saaray, xilli uu ku sugan yahay guriga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaaladda gobolka.

Waxa uu sheegay in khilaafka aragtida ee isaga iyo madaxda sare uu salka ku hayo jihada iyo habka loo wajahayo xalinta cabashooyinka ay bulshada reer Hiiraan muddooyinkii dambe soo bandhigayeen.

“Go’aankaygan wuxuu ka dhashay kala aragti duwanaansho aniga iyo madaxda sare oo ku saabsan habka iyo jihada loo wajahayo xalinta tabashooyinka iyo cabashooyinka ay qabaan bulshada Rer Hiiraan oo soo jireeenka ah.” ayuu ku yiri war-saxaafadeedkiisa.

Ugu dambeyn, Muuse Salaad ayaa sheegay in xilka dowladnimo uu yahay mas’uuliyad ka weyn jagada qofka hayo, isla markaana ay waajib tahay in la tixgeliyo duruufaha iyo cabashooyinka dadka uu masuulka ka yahay, isagoona sheegay inuu iscasilaadda u qaatay si uu u ilaashado damiirkiisa, mabaadi’diisa iyo dareenka uu u hayo bulshada reer Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee, Muuse Salaad Weheliye ayaa xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan loo magacaabay maalmo kooban ka hor, kaddib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii ka horreeyay, kaas oo diiday go’aankii maamulka Hirshabeelle, isla markaana taageeray mowqifka Ugaaska iyo beesha Xawaadle oo tabashooyin ka qaba maamulka.

Guddoomiyihii maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye oo xilka iska casilay