Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, ayaa saaka aroortii gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaddib markii uu kasoo ambabaxay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inuu magaalada Gaalkacyo kulamo kula yeesho saraakiisha amniga, maamulka labada dhinac ee magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoona kulamadaasi diiradda lagu saari doono amniga, xasilloonida iyo xaaladda guud ee gobolka Mudug.
Safarka madaxweyne Deni ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay la wareegeen xeryo ay ciidamada PSF ku lahaayeen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, kaddib xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo muddooyinkii dambe ka jiray Puntland.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa gobolka Mudug ayaa la sheegay inay u gudbeen dhinaca deegaannada Galmudug, halka ciidamo kale ay weli ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka.
Sidoo kale, waxaa maanta ku eg muddadii labada maalmood ahayd ee maamulka Puntland u qabtay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaannada ay maamusho, inay isku soo dhiibaan islamarkaana ay ku biiraan ciidamada Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, safarka Madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya xilli si dhow isha loogu hayo xaaladda gobolka Mudug iyo deegaannada kale ee Puntland, gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada ay kala wadaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland.