Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku qabatay sagaal qof oo ay ku eedeysay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay qorsheynayeen falal amni-darro oo ka dhaca caasimadda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA, dadka la qabtay ayaa si dhuumaaleysi ah ugu sugnaa degmooyinka Garasbaaley, Kaxda iyo xaafado ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha.
Hay’addu waxay sheegtay in afar ka mid ah dadka la qabtay ay ahaayeen shabakad isku xiran oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen falal lagu waxyeelleynayo shacabka, isla markaana lagu qalqal gelinayo amniga magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, hay’adda NISA ayaa sheegtay in ciidamada sirdoonka ay muddo la socdeen dhaq-dhaqaaqyada iyo xiriirrada ay sameynayeen dadkaasi, kahor inta aan la fulin howlgallada lagu qabtay.
Dadkaan la qabtay ayaa haatan lagu wadaa in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo, iyadoo NISA ay sheegtay in marka baaritaannadu soo dhammaadaan loo gudbin doono hay’adaha garsoorka, si tallaabada xigta loogu qaado si waafaqsan sharciga.
Dhinaca kale, hay’adda NISA ayaa shacabka ugu baaqday inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga, iyadoo sheegtay in xogaha laga helo bulshada ay muhiim u yihiin ka hortagga falalka amni-darrada iyo ilaalinta badqabka shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli hay’adaha ammaanka Soomaaliya ay kordhinayaan howlaha xog-ururinta iyo ka hortagga falalka amni-darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee ku dhow.
