Ciidamo tirsan kumaandooska Gorgor oo tababar heer sare ah loogu soo xiray dalka Turkiga

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal C/laahi Cumar (Khaalid), iyo taliyaha ciidanka dhulka ee Turkiga, Jeneraal Metin Tokel, ayaa magaalada Manisa ee dalka Turkiga tababar heer sare ah ugu soo xiray guutada 21-aad, qeybta 1-aad ee kumaandooska Gorgor ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamo tirsan kumaandooska Gorgor oo tababar heer sare ah loogu soo xiray dalka Turkiga
Ciidamo tirsan kumaandooska Gorgor oo tababar heer sare ah loogu soo xiray dalka Turkiga

Guutadaan cusub ayaa noqotay ciidankii ugu horreeyay ee si buuxda uga tirsan kumaandooska Gorgor oo hal mar iyo hal goob lagu wada tababaray, taas oo qayb ka ah qorshayaasha lagu xoojinayo tayada, tababarka iyo awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamo tirsan kumaandooska Gorgor oo tababar heer sare ah loogu soo xiray dalka Turkiga
Ciidamo tirsan kumaandooska Gorgor oo tababar heer sare ah loogu soo xiray dalka Turkiga

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadista xirfadaha ciidan, isku-duwidda howlaha iyo diyaarinta ciidamada si ay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran. Tababarkan ayaa sidoo kale ka mid ah iskaashiga dhinaca difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Ciidamo tirsan kumaandooska Gorgor oo tababar heer sare ah loogu soo xiray dalka Turkiga

Dhammaystirka tababarkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda cutubkan, gaar ahaan dhinacyada xirfadda, abaabulka iyo diyaar-garowga howlaha amni ee mustaqbalka dalka Soomaaliya.

Ciidamo tirsan kumaandooska Gorgor oo tababar heer sare ah loogu soo xiray dalka Turkiga
Ciidamo tirsan kumaandooska Gorgor oo tababar heer sare ah loogu soo xiray dalka Turkiga

Si kastaba ha ahaatee, qalin-jebinta ciidamadaan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay wadaan diyaar-garow iyo dib-u-dhiska awoodda ciidanka, iyadoo dowladda ay xoogga saarayso xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Al-shabaab.