Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay nin muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay nin muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al-shabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay nin muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kaas oo isku soo dhiibay ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Ninkan oo lagu magacaabo Fiidow Xuseen Daqarre ayaa sheegay inuu kooxda Al-shabaab ka tirsanaa muddo 11 sano ah, kahor inta uusan go’aansan inuu isaga baxo oo uu isu dhiibo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Fiidow ayaa sheegay in go’aanka uu kaga baxay kooxda uu ka dambeeyay kadib markii uu muddo dheer ku jiray, isla markaana uu fahmay in fikirrada iyo amarrada lagu barayay aysan waafaqsanayn xaqiiqada uu markii dambe ogaaday.

Wuxuu xusay inuu ka faa’iideystay cafiska ay dowladda federaalka Soomaaliya u fidisay xubnaha kooxaha hubeysan ee ka tanaasula fikirka xagjirka ah, isla markaana go’aansada inay dowladda isu soo dhiibaan.

Sidoo kale, Fiidow ayaa sheegay in intii uu ka tirsanaa xubnaha Al-shabaab lagu wacyigelin jiray in dowladda Soomaaliya iyo dadka la shaqeeya ay yihiin dad aan muslimiin ahayn oo gaalo ah, taasina ay ahayd sabab looga dhaadhiciyay inay dagaal la galaan.

Wuxuu sheegay in markii uu muddo dheer kooxda ka tirsanaa uu ugu dambeyn garwaaqsaday in fikradahaas ay ahaayeen kuwo marin-habaabin ah, taasina ay ku dhalisay inuu kooxda kasoo goosto.

Ugu dambeyn, Fiidow ayaa ugu baaqay xubnaha kale ee weli ku jira Al-shabaab inay ka faa’iideystaan cafiska dowladda, kana soo baxaan kooxda, isagoo tilmaamay in ay jirto fursad ay dib ugu bilaabi karaan nolol cusub oo ay uga mid noqdaan bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ugu baaqay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee doonaya inay ka tanaasulaan fikirka xagjirka ah inay dowladda isu soo dhiibaan, iyadoo loo ballanqaaday cafis iyo fursad ay dib ugu laabtaan noloshooda caadiga ah.