Ciidamada badda Turkiga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo furtay markabka MV LUTUF, kaas oo burcad-badeeddu 17-kii Agoosto ka afduubteen aagga xeebta Jiifle ee degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo badbaadinayay markabka uu socday muddo 10 maalmood ah, iyadoo ciidamada ay burburiyeen afar doon oo la sheegay inay adeegsanayeen burcad-badeeddu, halka 14 qof oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo howlgalka lagu qabtay.
Ciidamada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale si buuxda ula wareegay markabka MV LUTUF, kaas oo markii dambe dib loogu wareejiyay shaqaalihii, waxaana la sheegay inuu si nabad ah u sii watay socdaalkiisa.
Sidoo kale, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka uu saldhig u ahaa heshiiska iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo xoojinaya wada-shaqeynta labada dal ee ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sugidda amniga badda iyo la-dagaallanka burcad-badeednimada.
Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in falalka burcad-badeednimadu yihiin dambiyo culus oo keeni kara ciqaab adag, iyadoo digniin loo diray kooxaha ku lugta leh afduubka maraakiibta iyo cid kasta oo taageerta ama fududeysa falalkaasi.
Ugu dambeyn, wasaaradda gaashaandhigga ayaa bogaadisay iskaashiga ciidamada Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo sheegtay in howlgalka uu muujinayo sida ay uga go’an tahay labada dal sugidda amniga xeebaha iyo biyaha Soomaaliya, si ay uga hortagaan in falalka burcad-badeednimadu ay mar kale kusoo laabtaan xeebaha Soomaaliya.
