Dowladda federaalka oo ciidamo dheeraad geysay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Dowladda federaalka oo ciidamo dheeraad geysay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay geysay ciidamo dheeraad ah oo diyaarad looga qaaday Muqdisho, kuwaas oo loo diyaariyay xoojinta amniga magaalada iyo difaaca maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Madoobe.

Ciidamadaan ayaa ku biiraya ciidamada qeybta 60-aad iyo guutooyinka Gorgor ee horey ugu sugnaa magaalada Baydhabo, xilli magaalada iyo deegaannada ku dhow ay ka taagan yihiin xiisad siyaasadeed iyo mid amni.

Dowladda federaalka oo ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay
Dowladda federaalka oo ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay waddo dadaallo ay beesha caalamka ugu qancinayso in ciidamada taabacsan Laftagareen ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, iyadoo eedeymahaas ay Laftagareen iyo kooxdiisa horey u beeniyeen.

Dowladda federaalka oo ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Dhinaca kale, dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo iyo daafaheeda, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Dowladda federaalka oo ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay
Dowladda federaalka oo ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Si kastaba ha ahaatee, shacabka ku nool magaalada Baydhabo iyo daafaheeda ayaa walaac aad u xooggan ka muujinaya dhaqdhaqaaqyadaasi ciidan, iyagoo ka cabsi qaba in haddii xiisaddu sii kororto ay saameyn ku yeelan karto noloshooda iyo isu socodka magaalada.