Qoys Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaanno ku dhow magaalada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud ayaa lasoo gaarsiiyay isbitaalka Dr. Dufle oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib markii ay ku sumoobeen kurus iyo dhuux geel ah oo ay cuneen.
Sida xogta laga helayo, laba qof oo ka tirsan qoyskaasi ayaa u geeriyooday sunta, iyadoo mid ka mid ah uu ku dhintay magaalada Ceeldheer.
Saddex carruur ah oo kale oo xaaladdooda caafimaad ay saameysay ayaa hadda lagu daweynayaa Isbitaalka Dr. Dufle ee magaalada Muqdisho.
Carruurta isbitaalka lagu daweynayo ayaa kala ah Nimco Xirsi Cusmaan oo 17 jir ah, Cumar Xirsi Cusmaan oo 15 jir ah iyo Daahir Xirsi Cusmaan oo 10 jir ah.
Aabbaha dhalay carruurta, Xirsi Cusmaan Cumar, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qoyskiisu ay degganaayeen tuulo ku dhow Ceeldheer, halkaas oo carruurtiisu ay ku cuneen kurus iyo dhuux geel ah oo muddo meel yaallay.
Kadib markii ay carruurtu xanuunsadeen, ayuu u soo qaaday magaalada Ceeldheer, balse xaaladdooda awgeed ayaa loogu sheegay in loo baahan yahay in Muqdisho loo gudbiyo, iyagoona markii dambe la geeyay Isbitaalka Dr. Dufle, halkaas oo ay ka heleen gurmad caafimaad.
Dr. Dufle oo ka hadlay xaaladda carruurta ayaa sheegay in astaamaha caafimaad ee lagu arkay ay muujinayaan xaalad sumow oo halis ah, isagoona tilmaamay in carruurta lagu arkay indhaha oo cagaar noqday, beerka oo bararay iyo kaadida oo guduud isu beddeshay.
Dhakhtarku wuxuu sheegay in baaritaanno caafimaad lagu sameeyay carruurta, balse markii waalidka lala hadlay ay sheegeen in ay cuneen Kurus iyo Dhuux Geel muddo meel yaallay, taas oo loo arkay inay sabab u noqon karto sumowga.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaan ayaa muujinaysa halista ka dhalan karta cunista hilib ama cunto muddo meel taalay, iyadoo qoyska uu soo wajahay xaalad caafimaad oo keentay dhimasho iyo dhaawac, halka carruurta ka badbaadayna ay weli ku jiraan daryeel caafimaad.