Laftagareen oo beeniyay eedeymaha sheegaya inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen)

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa si adag u beeniyay eedeymaha sheegaya inuu xiriir ama wada-shaqeyn la leeyahay kooxda Al-shabaab.

Laftagareen ayaa hadalkaan sheegay xilli dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ee cusub ay ku eedeeyeen ciidamo isaga taabacsan oo ku sugan duuleedka magaalada Baydhabo inay xiriir iyo iskaashi la leeyihiin Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in ciidamada isaga taabacsan aysan wax xiriir ah la lahayn Al-shabaab, isagoo eedeymaha loo jeedinayo ku tilmaamay kuwo salka ku haya khilaafka siyaasadeed iyo milatari ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay ka cabanayaan xaaladda ka jirta deegaannada maamulka, isla markaana ay doonayaan in laga dulqaado ciidamo uu ku tilmaamay kuwo soo duulay oo laga keenay deegaanno kale.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe sababay xiisado iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhacay magaalada Baydhabo iyo duleedyadeeda, taas oo kicisay walaac laga qabo xaaladda amni iyo xasilloonida siyaasadeed ee gobolka.