Musharraxa madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aanka maxkamadda sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijadii doorashadii qof iyo codka ahayd ee ka dhacday deegaanada Galmudug.
Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) ayaa sheegay in isaga iyo xisbiga uu ka tirsan yahay ee JSP ay aqbaleen go’aanka maxkamadda sare, isagoo tilmaamay in go’aanka maxkamaddu yahay mid ay tahay in la ixtiraamo, lana raaco.
Waxa uu sidoo kale shacabka reer Galmudug ugu baaqay inay aqbalaan go’aanka maxkamadda sare, isla markaana ay mar kale ka qeyb-qaataan doorashada, isagoo ku booriyay inay si weyn uga soo qeyb-qaataan geeddi-socodka doorashada cusub.
Musharraxa ayaa xusay in shacabka Galmudug ay doorashadii hore si muuqata uga qeyb-qaateen, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay markale soo baxaan oo ay codkooda dhiibtaan marka la qabto doorashada cusub.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray musharraxa madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) ayaa kusoo beegmaya xilli go’aanka maxkamadda sare uu sababay in dib loo bilaabo hannaanka doorashada Galmudug, iyadoo la sugayo tallaabooyinka xiga ee guddiga doorashooyinka.