Golaha wasiirrada oo shaaciyay in la casriyeyn doono nidaamka baasaboorka Soomaaliya

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo lagu gorfeeyay xaaladda amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo diyaarinta baasaboorka Soomaaliya ee jiilka saddexaad (Polycarbonate E-Passport), oo la sheegay inuu casriyeyn doono nidaamka baasaboorka isla markaana fududeyn doono adeegyada ay muwaadiniintu ku helaan.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa golaha usoo bandhigtay warbixin ku saabsan baasaboorka cusub, iyadoo sheegtay in la joojiyay wax ka beddelka xogta shakhsiga ah ee ku qoran baasaboorka, si loo xoojiyo sugnaanta xogta, loona ilaaliyo kalsoonida iyo sumcadda dukumentiga safarka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo kulanka guddoomiyay ayaa ka warbixiyay safarkii uu dhawaan ku tagay maamul goboleedka Waqooyi Bari, isagoo bogaadiyay wada-shaqeynta shacabka iyo maamulka deegaanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada iyo mas’uuliyiinta sare ee dowladda ku booriyay inay isticmaalaan baasaboorka Soomaaliga marka ay safarrada dibadda ku tagayaan, si loo ilaaliyo sumcadda iyo sharafta xilka dowladeed.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad, Jibriil C/rashiid Xaaji, kadib markii uu celiyay baasaboorkii ajnabiga ahaa islamarkaana ku dhiirigeliyay mas’uuliyiinta dowladda inay isticmaalaan baasaboorka dalkooda.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinnada waxqabadka wasaaradaha ee rubuca koowaad iyo labaad (Q1-Q2 Ministerial Performance), iyo qorshaha lagu horumarinayo nidaamka shaqada Golaha Wasiirrada ee E-Cabinet System.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay hindise-sharciyeedka asalka badeecadaha oo ay soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka aqoonsiga iyo habraacyada la xiriira badeecadaha dalka.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa sidoo kale wax ka beddel ku sameeyay magacaabista xubin ka tirsan golaha adeegga garsoorka, iyadoo Cali Macalin laga beddelay xilkaas, waxaana lagu beddelay xeeldheere sharci Aadan Kuuloow Macalin Qaasim.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka golaha wasiirrada ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay waddo dib-u-habeyn lagu xoojinayo hay’adaha qaranka, casriyeynta adeegyada dowladda iyo horumarinta nidaamka maamulka.