Maamulka Puntland oo ka hadlay dagaal maanta ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa difaaca ay soo gaba-gabeeyeen howlgal amni oo qorshaysnaa oo ka dhacay duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo uu maamulku ku tilmaamay kooxo hubaysan oo khatar ku ahaa amniga iyo kala dambeynta.

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay saraakiil la sheegay inay hoggaaminayeen ciidamada lala dagaallamay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Giijaale Cabdi Baydhabo, Taliyihii ciidamada PSF ee Gaalkacyo Baariyoow, ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid iyo qof lagu sheegay inuu qaabilsanaa maamulka xogta (Database) ee Booliska Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu qabtay 101 qof oo ay ku tilmaantay eedeysanayaal, iyadoo sidoo kale sheegtay in gacanta lagu dhigay 60 qof oo dhaawac ah.

Maamulka ayaa xusay in dadka dhaawaca ah ay eheladoodu la wareegi karaan marka laga reebo saraakiisha iyo shaqsiyaadka ay sheegtay in loo haysto dambiyo culus, iyadoo arrintaas lagu saleeyay habraacyada ay dejinayaan hay’adaha amniga iyo garsoorka.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay inay la wareegtay hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan qoryo, rasaas, dhar iyo qalab Boolis, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha ciidamada iyo agab kale oo ay sheegtay inuu ka mid yahay qalab ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Booliska Soomaaliya.

Ciidanka difaaca Puntland ayaa ugu baaqay shaqsiyaadka iyo kooxaha hubaysan ee weli ku sugan deegaannada kala duwan inay isugu dhiibaan maamulka, isla markaana ay maraan waddada sharciga ah.

Waxay sidoo kale ka diggeen in cid kasta oo diidda awaamiirta hay’adaha amniga ay wajihi doonto tallaabooyin sharci ah, iyagoo sheegay in howlgalada amni ay sii socon doonaan si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin sheegashooyinka Puntland ee ku saabsan howlgalka iyo khasaaraha ka dhashay.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad iyo iska horimaad hubeysan uu ka dhacay duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhinacyada ay isku hayaan arrimo la xiriira awoodda, maamulka iyo kala amar-qaadashada ciidamada.