Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleed dib uga qarxay deegaanka Dawaco ee gobolka Sanaag. iyadoona ugu baaqday inay si shuruud la’aan ah u hakiyaan dagaalka, isla markaana mudnaanta siiyaan nabadda iyo badbaadada shacabka.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sii socoshada dagaalku ay halis ku tahay amniga iyo xasilloonida deegaanka, iyadoona ku boorrisay dhinacyada dagaallamaya inay is-xakameeyaan kana fogaadaan fal kasta oo sii hurin kara colaadda, islamarkaana wixii khilaaf ah lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday isimada dhaqanka, cuqaasha, waxgaradka, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qaybaha bulshada inay door muuqda ka qaataan daminta colaadda, isla markaana hormuud u noqdaan dadaallada dib-u-heshiisiinta si looga hortago dagaallo kale oo soo noqnoqda.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu dib u billowday subaxnimadii maanta, kaddib markii ay iska hor yimaadeen laba beelood oo walaalo ah, kaas oo ku fiday deegaannada Dawaco iyo Dhabardalo, iyadoo rasaas culus la isweydaarsanayay muddo ku dhow saddex saacadood.
Ilo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in xaaladdu weli tahay mid kacsan, inkastoo ay jiraan dadaallo lagu doonayo in colaada lagu dejiyo.
Dagaalkaan ayaa dib u soo cusboonaatay iyadoo ay weli taagan yihiin raadadkii dagaal hore oo bishii May ee sanadkan ku dhex maray isla labada beelood deegaanka Laasimo, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 20 qof.
Ilaa iyo haatan ma jirto xog rasmi ah oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Dawaco ee gobolka Sanaag, hase yeeshee wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan inay jiraan dhimasho iyo dhaawac.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalka beeleedkan ka qarxay deegaanka Dawaco ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku aaddan in xal waara laga gaaro khilaafaadka beelaha ee ka dhex aloosan qaybo ka mid ah gobolka Sanaag, si loo ilaaliyo nabadda, loona yareeyo khasaaraha ka dhasha dagaallada soo noqnoqda.
