Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda booqasho ku tago furimaha hore ee dagaalka ee gobollada Sh/dhexe iyo Galgaduud, iyadoo safarkaasi uu qeyb ka yahay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo howlgalka militari ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, magaalada Cadale ee gobolka Sh/dhexe waxaa gaaray cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo wada diyaarinta booqashada madaxweynaha iyo sugidda amniga magaalada kahor safarka la qorsheeyay.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in saraakiisha sare ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhawaan kulan ku yeesheen Cadale, iyagoo ka wada hadlay qorshaha amniga iyo dardargelinta gulufyada militari ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu inta uu safarka ku jiro booqan doono magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kula kulmi doono saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta ku sugan furimaha hore.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay abaabulka ciidamada iyo qorsheynta wejiga xiga ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo gulufyo ay ka socdaan deegaanno ka tirsan Hirshabeelle oo lagu bartilmaameedsanayo fariisimaha kooxda.
Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalka booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud, haddana safarkan ayaa imaanaya xilli dowladda ay sare u qaaday dadaallada lagu kordhinayo cadaadiska militari ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, booqashadan la filayo inuu madaxweyne Xasan Sheekh ku tago gobolka Sh/dhexe iyo Galgaduud ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo hoggaaminta howlgalka militari, iyadoo madaxda sare ay si joogto ah ula socdaan xaaladda ciidamada iyo howlgallada ka socda furimaha dagaalka ee dalka.