Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka taageerada iyo xasiloonida Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), El Hadji Ibrahima Diene, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo taageerada howlgalada ka dhanka ah argagixisada.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo sii adkeyn lahaa wada shaqeynta u dhaxeeysa wasaaradda gaashaandhigga iyo AUSSOM, gaar ahaan taageerada la xiriirta howlgalada militari ee lagu xoojinayo amniga iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.


Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay madaxa AUSSOM doorka uu howlgalka Midowga Afrika ka qaadanayo taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga joogtada ah ee labada dhinac uu muhiim u yahay horumarinta awoodda hay’adaha amniga iyo guusha howlgalada socda.


Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay sii waddo howlgalada lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxaha Al-shabaab, iyadoo iskaashiga kala dhaxeeya saaxiibbada caalamiga ah, oo ay AUSSOM ka mid tahay, uu door muhiim ah ka qaadanayo taageerada amniga iyo xasilinta deegaannada laga saaro kooxahaas.