Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo shaaciyay jadwalka doorashada Hirshabeelle

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa si rasmi ah u soo bandhigay jadwalka doorashada maamul goboleedka Hirshabeelle, iyadoo la cayimay marxaladaha kala duwan ee hannaanka doorashada laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ilaa maalinta codbixinta.

Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan lagu diyaariyay si waafaqsan waajibaadka sharciyeed ee ku xusan qodobka 10-aad ee sharciga dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha iyo qodobka 18-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka.

Sida ku cad qorshaha la shaaciyay, diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qaybinta kaararka codbixinta ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta 5-ta Agoosto, halka laba maalmood kaddib la shaacin doono xarumaha iyo goobaha codbixinta.

Qorshaha doorashada ayaa sidoo kale tilmaamaya in 8-da Agoosto la daabici doono liiska hordhaca ah ee codbixiyeyaasha, iyadoo muddada xigta lagu guda geli doono hubinta iyo xaqiijinta liisaska musharraxiinta iyo wakiillada ururrada siyaasadda ee ka qeybgalaya doorashada.

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa intaa ku dartay in 16-ka Agoosto la soo saari doono liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha, halka 18-ka Agoosto la shaacin doono liiska ugu dambeeya ee musharraxiinta ururrada siyaasadda, taasoo dhammaystiri doonta inta badan diyaar-garowga doorashada.

Sida uu muujinayo jadwalka guddigu soo saaray, doorashada golaha deegaanka iyo golaha wakiillada maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa si rasmi ah loo qaban doonaa 20-ka Agoosto, iyadoo tani ay noqonayso marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka doorashada ee maamulka Hirshabeelle.

Si kastaba ha ahaatee, shaacinta jadwalkaan ayaa muhiim u ah dardargelinta diyaar-garowga doorashada maamul goboleedka Hirshabeelle, iyadoo ay dhinacyada siyaasadda iyo codbixiyeyaashuba heli doonaan waqti ay ugu diyaar garoobaan marxaladaha kala duwan ee hannaanka doorashada.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo shaaciyay jadwalka doorashada Hirshabeelle