Puntland oo digniin u kala dirtay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni

Maamulka Puntland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu wado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo, sida uu sheegay, halis ku ah amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhaqdhaqaaqyadaasi ay qeyb ka yihiin isku dayo lagu hurinayo colaado laguna carqaladeynayo nidaamka dowladnimo ee Puntland.

Maamulka ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda, isla markaana uu qaadi doono tallaabooyin lagu sugayo amniga iyo ilaalinta kala dambeynta deegaannadiisa.

Puntland ayaa sidoo kale caddeysay in aanu jirin ciidan si sharci ah uga tirsan hay’adaha amniga maamulka oo loo yaqaan PSF, iyadoo intaas ku dartay inaanay deegaannadeeda ka howlgelin wax ciidamo ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Puntland ayaa baaq u dirtay maamulka Galmudug, iyadoo ugu baaqday inuu ka fogaado taageeridda ama martigelinta ciidamo iyo maleeshiyaad lagu abaabulayo duleedka magaalada Gaalkacyo.

Maamulka ayaa ku dooday in ciidamadaas loo diyaarinayo falal wax u dhimi kara amniga isla markaana horseedi kara xiisado hor leh.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa ugu baaqday Galmudug inay sii xoojiso deris-wanaagga, iskaashiga dhinaca amniga iyo ilaalinta nabadda muddada dheer ka jirtay magaalada Gaalkacyo, iyadoo ka digtay tallaabo kasta oo dhaawici karta xasilloonida labada dhinac.

Puntland oo digniin u kala dirtay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug