Madaxweyne Cali Guudlaawe oo markale dib loo doortay kadib doorashadii maanta ka dhacday Jowhar

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe)

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaasi, kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, halkaas oo uu kaga guuleystay musharraxii la tartamayay, Nuur Cilmi Xalane.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, C/xakiin Luqmaan, oo ku dhawaaqay natiijadda ayaa sheegay in doorashada ay ka qayb galeen 98 xildhibaan, kuwaas oo 81 ka mid ahi codkooda siiyeen Cali Guudlaawe, halka Nuur Cilmi Xalane uu helay 13 cod, iyadoo afar cod ay xumaadeen.

Dhinaca kale, C/fitaax Xasan Afrax ayaa isna loo doortay madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle, kaddib markii uu helay 70 cod, halka musharraxii la tartamayay, C/fitaax Baashi Maxamed, uu helay 16 cod.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, oo ka tirsan Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa taageero ka helay dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo hoggaanka maamulka Hirshabeelle sii hayn doona shanta sano ee soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland ay diiddan yihiin habka dowladda federaalku u waddo arrimaha doorashooyinka, taas oo caqabad ku ah heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.