NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane lala xiriirinayo weerarro bambaano oo ka dhacay Muqdisho

Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA)

Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA), oo kaashanaysa laamaha kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigtay C/salaan Yacquub Nuur, oo loo yaqaan C/samad, kaas oo lagu eedeeyay inuu bamb-gacmeed ku weeraray bar-koontarool ay ciidamada amnigu ku sugnaayeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Sida ay NISA sheegtay, weerarka ayaa dhacay fiidkii shalay, wax yar kaddib salaaddii maqrib, waxaana lagu beegsaday bar-koontarool ku taalla Waaxda Xaawo Taako ee degmada Wadajir, iyadoona weerarkaasi uu sababay dhaawaca saddex qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada amniga.

NISA ayaa sheegtay in eedeysanaha lagu soo qabtay howlgal degdeg ah oo la fuliyay kaddib weerarka, iyadoona sidoo kale hay’addu sheegtay in la helay muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka amniga (CCTV), kuwaas oo la sheegay inay muujinayaan qofka la tuhunsan yahay oo masaajid ka dawarsanaya ka hor inta uusan weerarku dhicin.

Sida ku cad xogta hordhaca ah ee NISA, eedeysanaha ayaa looga shakisan yahay inuu ka qayb qaatay sahminta goobaha amniga ee Muqdisho iyo kala gudbinta bambaanooyin loo adeegsaday weerarro kala duwan, waxayna hay’addu sheegtay inay baarayso doorkiisa la xiriira ugu yaraan 10 weerar oo kale oo bamb-gacmeedyo loo adeegsaday.

Weerarradaas ayaa la sheegay inay ka dhaceen degmooyinka Kaxda, Garasbaaley, Dayniile, Daarusalaam, Wadajir, Hodan, Kaaraan iyo Heliwaa, waxaana ku dhaawacmay 12 qof oo isugu jira shacab iyo askar.

NISA ayaa sheegtay in baaritaanku weli socdo, si loo ogaado doorka eedeysanaha ee dhacdooyinkaas iyo in ay jiraan dad kale oo ku lug lahaa, iyadoona kiiskan uu qayb ka yahay dadaallada laamaha amniga ee lagu baarayo weerarrada bambaanooyinka ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, eedeymaha loo jeediyay C/salaan Yacquub Nuur ayaa weli ku jira marxalad baaritaan, waxaana la sugayaa natiijada ka soo baxda baaritaannada socda.