Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa dhisme dhowr iyo toban dabaq ka kooban oo shalay ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, iyadoo ay weli socdaan dadaallada lagu baadigoobayo dad la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismaha.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in qaybta sare ee dhismaha, oo ay ka socdeen shaqooyin, ay ku sugnaayeen 67 shaqaale ah, isagoona xaqiijiyay in 66 ka mid ah ay si nabad ah uga baxsadeen dhismaha, halka hal qof uu dhaawacmay.
Dhinaca kale, qaybta hoose ee dhismaha oo ay ku yaalleen dukaamo kala duwan ayaa la sheegay inay ku jireen ku dhowaad 11 qof oo aan weli la helin, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Kooxaha gurmadka iyo samatabbixinta ayaa weli wada hawlgallo ay ku raadinayaan dadka la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin xaaladdooda.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan walaacyo la xiriira badbaadada dhismayaasha Kenya, iyadoona hay’adda kormeerka dhismayaasha dalka ay hore u sheegtay in boqolkiiba 87 dhismayaashii la baaray sannadkii hore aysan buuxin heerarka dhismaha ee loo baahan yahay ama aysan haysan oggolaanshaha rasmiga ah.
Ugu dambeyn, dhismaha dumay ayaa sida la sheegay la diiwaangeliyay 30-kii Luulyo 2025, hase yeeshee weli lama caddeyn in la kormeeray ka hor inta uusan dumin.
Si kastaba ha ahaatee, dumitaanka dhismahan ayaa mar kale dhaliyay su’aalo ku saabsan tayada dhismayaasha, kormeerka joogtada ah iyo hirgelinta xeerarka badbaadada ee Kenya, iyadoo dadaallada lagu baadigoobayo dadka la la’yahay ay weli socdaan.