Shiinaha iyo Jabuuti oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan aqoonsiga Somaliland

Shiinaha iyo Jabuuti oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan aqoonsiga Somaliland

Dowladaha Shiinaha iyo Jabuuti ayaa markale xaqiijiyay taageeradooda madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyaga oo caddeeyay inay ka soo horjeedaan tallaabo kasta oo dal madax-bannaan loogu aqoonsanayo Somaliland.

Mowqifkan ayaa lagu muujiyay bayaan wadajir ah oo ka soo baxay wada-hadallo diblomaasiyadeed oo ka dhacay magaalada Beijing, kuwaas oo dhexmaray wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Yi, iyo dhiggiisa Jabuuti, C/qaadir Xuseen Cumar, iyadoona labada dhinac ay caddeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in Beijing iyo Jabuuti ay taageersan yihiin dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu ilaalinayo midnimada dalka, iyaga oo diiddan isku-day kasta oo Somaliland loogu raadinayo aqoonsi diblomaasiyadeed oo dalnimo, iyagoona sidoo kale ku celiyay mowqifkooda ah in Somaliland ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mowqifkan ayaa muujinaya sida ay labada dal uga taagan yihiin arrinta midnimada Soomaaliya, oo muddo dheer udub-dhexaad u ahayd siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka.

Taageerada ay muujiyeen Shiinaha iyo Jabuuti ayaa sidoo kale xoojinaysa muhiimadda ay leedahay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka gobolka iyo saaxiibbada caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, arrinta Somaliland iyo raadinta aqoonsi caalami ah ayaa weli ka mid ah qodobbada xasaasiga ah ee diblomaasiyadda gobolka, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkaysanayso ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.