Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta madaxtooyada Qaranka ku qaabilay taliyaha guud ee ciidanka milatariga Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka oo diiradda lagu saaray xaaladda iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan sidii loo sii horumarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada difaaca, amniga iyo tayeynta awoodda ciidamada qalabka sida, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah iyo xoojinta amniga gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada taliyaha guud ee ciidanka milatariga Turkiga ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Turkiga ay sii ballaarinayso iskaashigeeda dhinacyada milatariga iyo difaaca ee Soomaaliya, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo joogitaankeeda milatari iyo taageerada ay siiso ciidamada Soomaaliyeed.