Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan golaha mustaqbalka Soomaaliya ayaa diiday ka qeyb-galka shirka wada-hadalka ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isugu yeeray dhinacyada siyaasadda dalka, kaas oo qorshihiisa ahaa in magaalada Muqdisho lagu qabto inta u dhaxeeysa 14-ka illaa 18-ka ee bishan Nofeembar.
Shirka ayaa la filaaay in looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka heer federaal iyo is-mariwaaga ka taagan jihada loo wajahayo geeddi-socodka doorashooyinka.
Go’aanka mucaaradka ayaa soo baxay kaddib markii dowladda federaalka ay shaacisay ajandaha kulanka, iyadoo sheegtay in wada-hadalladu fursad u noqon doonaan in dhinacyada siyaasadeed ay miiska soo saaraan aragtiyahooda iyo qodobada ay isku khilaafsan yihiin.
Dhinaca kale, ilo xog-ogaal ah, ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu farriin gaar ah u diray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaas oo uu kaga codsaday inuu ka shaqeeyo sidii siyaasiyiinta mucaaradku u aqbali lahaayeen shirka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriintiisa ku caddeeyay inuu diyaar u yahay in shirka wada-hadalka lagu qabto goob kasta oo ay siyaasiyiinta mucaaradku ku kalsoon yihiin, si loo helo jawi ku habboon wada-hadalka, loona abuuro kalsooni ay dhinacyadu ku yeeshaan geeddi-socodka wada-xaajoodka.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli ku adkeysnaya in wada-hadal kasta lagu bilaabo hannaan ay qayb ka tahay dhex-dhexaadin caalami ah, taas oo ay sheegeen inay muhiim u tahay dhismaha kalsoonida labada dhinac iyo xaqiijinta fulinta heshiis kasta oo laga gaaro khilaafka taagan.
Si kastaba ha ahaatee, diidmada mucaaradka ee ka qeybgalka shirka ayaa mugdi gelinaysa suuragalnimada in dhinacyada siyaasadda ay kulanka wada yeeshaan, iyadoo weli ay taagan yihiin kala aragti duwanaansho ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo qaabka loo wajahayo arrimaha siyaasadeed ee masiiriga u ah dalka.