Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Madaxweynaha Soomaaliya ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo ku dhow hal sano tababar ku qaadanayay xero ciidan oo ku taalla deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadda lagu soo xiray tababarka ciidankaan ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo marti-sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Ciidamadaan oo laga soo kala qoray dhammaan gobollada dalka ayaa dhammaystay tababar aasaasi ah oo lagu barayay xirfadaha ciidannimo, anshaxa iyo xeerarka ciidamada, xeeladaha dagaalka iyo aqoonta muhiimka u ah gudashada waajibaadka qaran.

Sidoo kale, ciidamadan ayaa lagu tilmaamay inay yihiin dufcadii ugu ballaarneyd ee heerkan tababar ku qaadata gudaha Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe, iyadoo munaasabadda qalin-jabintooda ay tahay tallaabo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo leh tababar iyo nidaam mideysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaan ay astaan u yihiin soo kabashada dowladnimada iyo dib-u-dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in ciidamada lagu saleeyo aqoon, anshax, waddaniyad iyo ilaalinta qarannimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada kula dardaarmay inay dhowraan sharafta iyo anshaxa ciidanka, ilaaliyaan midnimada dalka, isla markaana waajibaadkooda qaran u gutaan si daacadnimo, xilkasnimo iyo masuuliyad leh.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay dhismaha iyo tayeynta ciidanka qaranka, iyadoo xarumaha tababarka gudaha dalka loo adeegsanayo diyaarinta ciidamo leh aqoon iyo karti ay kaga qeyb qaataan sugidda amniga iyo difaaca dalka.