Markab dagaal oo uu leeyahay Turkiga oo soo gaaray dekedda magaalada Muqdisho

Markab dagaal oo uu leeyahay Turkiga oo soo gaaray dekedda magaalada Muqdisho

Markab dagaal oo uu leeyahay Turkiga ayaa soo gaaray dekedda magaalada Muqdisho, kaas oo ka qeyb qaadan doono howlaha lagu xoojinayo amniga xeebaha Soomaaliya iyo ilaalinta biyaha dalka.

Markabka oo lagu magacaabo TCG Göksu ayaa la filayaa inuu howlgallo iskaashi ah la sameeyo ciidanka badda Soomaaliya iyo ciidamada ilaalada xeebaha, iyadoo diiradda la saarayo ka hortagga burcad-badeednimada iyo falalka kale ee khatarta ku ah amniga badda.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo booqday markabka kaddib markii uu Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay in TCG Göksu uu qeyb ka yahay maraakiib kale oo Turkigu u qorsheeyay inay ka howlgalaan howlaha la xiriira sugidda amniga badda Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada iyo badmaaxiinta Turkiga ee saaran markabka, isagoo tilmaamay in joogitaankooda Soomaaliya uu qeyb ka yahay iskaashiga amni ee labada dal iyo dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta marin-biyoodka Soomaaliya.

Soo gaaritaanka markabkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha iyo tayeynta ciidanka badda iyo ilaalada xeebaha, kuwaas oo loo arko inay muhiim u yihiin ilaalinta xeebaha dheer ee dalka iyo la tacaalidda khataraha ka dhasha biyaha Soomaaliya.

Ciidamada saaran TCG Göksu ayaa la filayaa inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo howlgallada wadajirka ah ay qeyb ka noqon karaan tababar, is-dhaafsi khibradeed iyo taageero dhinaca amniga badda ah.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay door muuqda ku lahaa taageerada ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan tababarka, horumarinta awoodaha iyo dhismaha hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.