Ciidanka kumaandooska Danab oo 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku dilay gobolka Baay

Ciidanka kumaandooska ee Danab oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayd gobolka Baay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa sheegay inay howlgal qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee gobolka Baay, halkaas oo ay sheegeen inay ku dileen 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalka ku beegsaday fariisimo ay kooxda Al-shabaab si qarsoodi ah uga sameysatay deegaanka, waxaana lagu soo warramay in ciidamada ay goobta kala wareegeen hub fara badan oo ay kooxda halkaasi ku haysatay.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada ay goobta howlgalka ku dul tageen qaar ka mid ah meydadka xubnaha la dilay, taasoo ay u soo bandhigeen inay caddeyn u tahay natiijada howlgalka.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka wadaan deegaanno ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimaha iyo saldhigyada ay Al-shabaab ku leedahay dhulka miyiga ah.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in ujeeddada howlgalladaan ay tahay in la wiiqo awoodda kooxda Al-shabaab, laga saaro goobaha ay ku dhuumaaleysanayso iyo in la sugo amniga deegaannada ay ciidamada dowladdu kala wareegaan.

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ciidamada ka qeyb galay howlgalkaas ku bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan, isagoo xusay in ciidamada ay xoogga saarayaan sidii loo xaqiijin lahaa amni iyo xasillooni waarta oo laga hirgeliyo guud ahaan dalka.

Si kastaba ha ahaatee, sheegashada dowladda federaalka ee tirada xubnaha lagu dilay howlgalka iyo hubka laga soo furtay ayaan weli si madax-bannaan loo xaqiijin, iyadoo faahfaahinta dagaalka ay ku kooban tahay oo kaliya warbixinta kasoo baxday dhinaca dowladda Soomaaliya.