Maxkamada Hargeysa oo xukun la iibsan karo ku ridday wariye Bushaaro Cali Baanday

Bushaaro Cali Baanday

Maxkamada gobolka Maroodi-Jeex ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xabsi muddo 1 sano ah oo la iibsan karo ku xukuntay wariye Bushaaro Cali Baanday oo in muddo ah xirneyd.

Xukunka xabsiga ah ee Bushaaro Baanday ayaa ah xarig la iibsan karo, sida ay sheegtay hooyada dhashay, iyadoo dhinaca kale ay muujisay sida ay ugu faraxsantahay go’aanka maxkamadda.

Wariye Bushaaro Cali Baanday ayaa xabsiga laga sii daayey galabta, kadib markii ay xarigeedda iibsatay; iyadoo xoriyadeeda dib u heshay, waxayna sheegtay inay xabsiga ku xanuunsatay.

Wariye Bushaaro Baanday oo muddo seddax bilood ah xirneyd ayaa dhowr jeer hore dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintaan walaac ka muujinayay wariyeyaasha iyo dadka u dooda xuquuda aadanaha.

Hay’adda u doodda xuquuqda wariyeyaasha ee Committee to Protect Journalists (CPJ) iyo ururro kale ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo sii daayo wariye Bushaaro Cali Baanday.

Si kastaba ha ahaatee, wariye Bushaaro Cali Baanday ayaa waxa ka muuqday dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay, waxaana kiiskeeda uu ka dhashay kadib warbixin ay ka sameysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.