Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii uu uga badbaaday qaraxii weynaa ee 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawaca dad badan oo kale.
Ra’iisul wasaare Xamse oo hadal ka jeediyay furitaanka shirweynaha qaran ee ka-hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ayaa sheegay in xilliga uu qaraxu dhacayay uu ku sugnaa gurigiisa oo ku dhowaa goobta musiibadu ka dhacday, isla markaana uu ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay inay ka badbaadaan dhacdadaas oo dalka ku reebtay raad murugo leh.
Qaraxaasi oo ka mid ahaa musiibooyinkii ugu waaweynaa ee dalka soo mara ayaa burbur xooggan u geystay dhismayaal iyo gaadiid, wuxuuna saameyn ba’an ku yeeshay dadkii ku sugnaa agagaarka isgoyska Zoobe.
Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyay kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ka qaateen wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dadaallada ay ku iftiiminayaan fikirka iyo falalka kooxaha argagixisada ah, iyo soo saarista fatwooyin arrimahaas la xiriira.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo la-dagaallanka kooxaha khatarta ku ah amniga dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada lagu wajahayo caqabadahaas.