Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kaas oo qeyb ka ahaa kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 24-aad.
Kulanka waxaa shir-guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka, C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaana ku wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha, C/laahi Cumar Abshirow.
Kulanka oo kooramkiisu ku furmay 140 xildhibaan ayaa lagu bilaabay codeynta hindise-sharciyeedka dambiyada kufsiga iyo anshax-xumada.
Natiijada codeynta oo uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka ayaa muujisay in 132 xildhibaan ay oggolaadeen hindise-sharciyeedka, halka saddex ay diideen, shan kalena ay ka aamuseen.
Sidoo kale, xildhibaanada ayaa meel-mariyay hindise-sharciyeedka macmiilka danabeysan, iyagoo ka dooday qodobadiisa iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha golaha shacabka, C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, isaga oo ku boorriyey inay dhowraan dhaqanka, anshaxa iyo sharafta golaha.