Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jibriil C/rashiid Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirweynaha madasha qaran ee istiraatiijiyadda xiriirka warbaahinta 2026, kaas oo looga hadlayo horumarinta xiriirka iyo isgaarsiinta u dhaxeeya dowladda, warbaahinta iyo bulshada.
Shirweynahaan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, wasiirrada warfaafinta dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo khubaro ku takhasustay dhinacyada warbaahinta iyo isgaarsiinta.
Sidoo kale, shirweynahaan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo warbaahinta, iyadoo laga arrinsanayo sidii loo horumarin lahaa hababka casriga ah ee gudbinta xogta, loona dhisi lahaa hannaan isgaarsiin oo hufan, degdeg ah, isla markaana si wanaagsan ugu adeegaya hay’adaha dowladda iyo shacabka.
Qodobada muhiimka ah ee looga hadlayo shirweynaha waxaa ka mid ah adeegsiga garaadka macmalka ah (AI), iyadoo dhinacyadu ay eegayaan fursadaha iyo caqabadaha ay tiknoolajiyaddan cusub ku soo kordhisay warbaahinta iyo guud ahaan isgaarsiinta.
Ugu dambeyn, shirweynahaan ayaa ka qayb-galayaasha siinaya fursad ay ku wadaagaan waayo-aragnimadooda, fikradahooda iyo xalalka ay u arkaan in wax looga qaban karo caqabadaha horyaalla warbaahinta Soomaaliya, xilli ay si xawli ah isu beddelayaan hababka xogta lagu helo, lagu faafiyo iyo lagu kaydiyo.