Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa magacaabay guddiga dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo loo xil saaray ka shaqeynta nabadda, xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.
Wareegto kasoo baxday xafiiska hoggaamiyaha maamulka ayaa lagu sheegay in guddiga loo dhisay iyadoo la tixraacayo qodobo ka mid ah dastuurka Koonfur Galbeed iyo baahida loo qabo in la xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo isu soo dhawaanshaha bulshada.
Guddiga cusub waxaa ku jira xubno ka tirsan golaha wasiirrada Koonfur Galbeed, odayaal dhaqameed, culumaa’udiin, aqoonyahanno iyo xubno ka socda bulshada rayidka ah, kuwaas oo loo xil saaray inay qeyb ka noqdaan dadaallada lagu raadinayo xal u helidda khilaafaadka iyo tabashooyinka ka jira deegaannada maamulka.
Xubnaha ka tirsan golaha wasiirrada ayaa loo igmaday hoggaaminta iyo isku dubbaridka hawlaha guddiga, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, dib u heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka, halka qeybaha kale ee guddiga ay door ka qaadanayaan isu soo dhawaynta dhinacyada kala aragti duwan iyo fududeynta wadahadallada bulshada.
Sidoo kale, odayaasha dhaqanka, culimada iyo aqoonyahannada ayaa laga filayaa inay kaalin ka qaataan talo-bixinta iyo xalinta khilaafaadka, iyadoo bulshada rayidka ahna ay qeyb ka noqon doonto dadaallada lagu dhisayo jawi u saamaxaya in la helo dib-u-heshiisiin waarta.
Ugu dambeyn, guddiga ayaa qorshuhu yahay inuu la shaqeeyo odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si loo ballaariyo dadaallada nabadeed loona helo wadahadal ay ka qeybqaataan dhinacyada ay khuseyso.
Illaa iyo haatan lama oga sida ay uga jawaabi doonaan tallaabadan mas’uuliyiintii hore ee Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta taageersan madaxweynihii hore ee maamulka, C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo khilaaf siyaasadeed iyo mid amni kula jiray hoggaanka hadda jira.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabista guddigan ayaa kusoo beegmaysa xilli Koonfur Galbeed ay weli wajahayo xiisado siyaasadeed iyo amni, gaar ahaan magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda, halkaas oo ay ka jireen iska horimaadyo iyo loollan u dhaxeeya dhinacyada siyaasadda ee isku haya maamulka.