Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Serbia waxa uu kulan la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaasi, Aleksandar Vucic, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Serbia, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo danaha labada dal.


Kulanka labada madaxweyne ayaa la filayaa inuu fursad u noqdo labada dhinac inay ka wada hadlaan xaaladda xiriirkooda iyo sidii loo sii ballaarin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada ay danaha wadaagaan.


Sidoo kale, safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Serbia ayaa la xiriira ka qeybgalka shir heer sare ah oo lagu xusayo 65-guurada shirkii koowaad ee dhaqdhaqaaqa dalalka aan isbahaysiga ahayn, kaas oo magaalada Belgrade lagu qabtay sannadkii 1961-ka.


Shirkaan ayaa isu keenaya madax iyo wakiillo ka socda dalal kala duwan, iyadoona lagu xusayo taariikhda iyo doorkii dhaqdhaqaaqa dalalka aan isbahaysiga ahayn ee xiriirrada caalamiga ah iyo iskaashiga dowladaha caalamka.
Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shirkaan fursad u siinaya inuu la kulmo madax iyo mas’uuliyiin ka socda dalal kala duwan, isla markaana ku xoojiyo xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka.