Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan qeybta ay maamusho Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan golayaasha maamulka Galmudug, maamulka gobolka Mudug, mas’uuliyiin heer gobol ah iyo qeyb ka mid ah bulshada ku nool koonfurta Gaalkacyo.
Booqashada madaxweynaha ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayo deegaannada Galmudug, iyadoo la filayo in inta uu joogo Gaalkacyo uu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si looga hadlo xaaladda guud ee deegaanka iyo arrimaha muhiimka u ah bulshada.
Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu galabta goob fagaare ah kula hadlo bulshada ku nool koonfurta Gaalkacyo, halkaas oo uu ka jeedin doono hadal ku saabsan xaaladda dalka iyo arrimaha la xiriira deegaanka.