Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay ardaygii kaalinta 1aad ka galay imtixaanka dugsiyada sare

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay ardaygii kaalinta 1aad ka galay imtixaanka dugsiyada sare

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hooyo Safiya Macallin Cabdulle Cumar iyo wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo kaalinta koowaad ka galay imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa hooyo Safiya ugu hambalyeeyay dadaalka ay ku bixisay barbaarinta iyo waxbarashada wiilkeeda, isagoo sheegay in kaalinta koowaad ee Maxamed Ciise ay ka tarjumayso doorka muhiimka ah ee waalidku ku leeyahay guusha carruurta.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay ardaygii kaalinta 1aad ka galay imtixaanka dugsiyada sare

Wuxuu sheegay in waxbarashada iyo barbaarinta carruurta ay muhiimad gaar ah u leedahay dowladda, isla markaana la doonayo in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu kobciyo aqoon iyo xirfado u horseeda mustaqbal wanaagsan.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa xusay in guusha Maxamed Ciise ay ku timid dadaal iyo juhdi uu sameeyay, isla markaana ay door weyn ka qaadatay taageerada hooyo Safiya, isaga oo tilmaamay in guusha ardaygu ay tusaale u tahay sida waalidku door uga qaadan karo horumarka waxbarasho ee ubadkooda.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay ardaygii kaalinta 1aad ka galay imtixaanka dugsiyada sare

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse ayaa hooyo Safiya ku abaalmariyey shaqo rasmi ah oo dowladda ah, halka Maxamed Ciise Daahir, oo kaalinta koowaad ka galay imtixaanka dugsiyada sare ee dalka, lagu abaalmariyey deeq waxbarasho oo ay dowladda Soomaaliya daboolayso, iyadoo loo oggolaaday inuu doorto halka uu waxbarashadiisa kasii wadanayo.